Published On: Fri, Feb 15th, 2013

VfL Wolfsburg VS FC Bayern München oo cawa balansan

Share This
Tags

 

Caawa aayaa kooxda Wolfsburg ku qaabilidoonto garoonkooda Volkswagen Arena naadiga horkacayo horiyaalka Bundesliga 1 ee Bayern München caawa markey saacadu tahay 10:30 xiliga somaliya.

Bavarians-ka ayaa cawa fursad oo ay kusii dheereystan hogaanka oo ilaa 18 dhibcoon kaga qabtaan naadiga ku xiga ee Dortmund.

Towbarre Henyckes ayaa cawa kuso bilaabi doono Van Buyten difaaca dhexe isagoo Boateng u nasindoono kulan Champion-ka oo ay la ciyaaridoonan Arsenal habeen arbacada , sidoo kale waxan la nasin dona Javi Martines oo badalkiisa noqondoono Luiz Gustavo  oo ka ciyaari doono qadka dhexe, iyo xidiga difaaca dambe ee Munich iyo Xulka Germany ee  Badstuber ayaa isna dhaawac xaga fariistay inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Thomas Muller ayaa nasin doono Robben , waxa kale la filaa in Mario Mandzukic inuu cawa waajihi doono naadigiisa hore ee Wolfsburg isagoo Gomez keeda ku hayndono.

Bayern Munich ayaa 4-tii kulan ugu dambaysay oo ay ka hor imaaday Wolfsburg  wada guulaysatay, iyo  Olic  oo cawa ka hor imaandoono naadigiisa hore Bayern isagoo 2 gool oo kaliyah u dhalshay  nadigiisa xili ciyaaredkan , sidoo kale Mario Mandzukic ayaa u dhalshay 14 bayern Bundesliga 1-ka sanadkan taas kabadan 2 intii sandkii hore uu dhalshey naadigiisa hore uu caawa ka hortagi doono, ugu danbeyn Wolfs  ayaa hada kaga jirta horiyaalka kaalinta 12-aad.

Watan formation-ka laga yaabo inay cawa labada naadi lasoo shartagidoonan

  Wolfsburg 4-2-3-1                                                                                                                                                                                                         BENAGLIO-FAGNER-NALDO-MADLUNG-SCHÄFER-TRÄSCH-POLAK-VIEIRINHA-DIEGO-PERISIC-DOST

Bayern Munich 4-2-3-1

NEUER-P.LAHM-VAN BUYTEN-DANTE-ALABA-GUSTAVO-SCHWEINSTEIGER-MULLER-KROOS-RIBERY-MANDZUKIC

 

 

About the Author







VfL Wolfsburg VS FC Bayern München oo cawa balansan