Published On: Mon, Jul 30th, 2012

Sawiro: Ciyaaraha Olimbikada Adduunka Oo Lagu Furay London, Xilli Calankeena Uu Ka Dhex Muuqday.

Share This
Tags

Ciyaaraha Olimbikada adduunka ee London ayaa xalay si rasmi ah loo furay, iyadoo calankeena Soomaaliya uu ka dhex muuqday munaasabaad oo ay indhaha ku hayeen malaayiin ruux oo daafaha caalamka kala jooga.

Gabadha orodka uga qeybgaleysa ciyaarahan ee Soomaaliyeed Zamzam Ahmed ayaa calanka Soomaaliya u waday kooxda Soomaaliyeed, taasoo soo jiidatay dareenka malaayiin Soomaaliyeed oo adduunka geesihiisa kala jooga.

Hadalheynta ugu badneyd ee dadka Soomaaliyeed ee isticmaala bogaga adeega bulshada sida Facebook iyo Twitter ayaa aheyd calanka Soomaaliya oo ka soo muuqday munaasabada ugu weyn isboortiga adduunka.

Ciyaaraha Olimbikada ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 16 kun ciyaaryahano oo matayala ilaa iyo 204 wadan.

Munaasabada furitaanka ayaa aheyd munaasab aad u qurux badneyd, islamarkaana Britian ay si aad ah uga shaqeyeen islamarkaana soo bandhigeen dhaqankooda iyo damaashaadkooda.

Bilowgii munaasabada, boqorada dalka Ingariiska Queen Elizebeth ayaa ka soo muuqatay filim yar oo uu dhinac ka jilaayo Daniel Craig oo matalayay doorkiisa James Bond.

Isagoo u labisnaa sida uu ku jilo 007 ayuu soo galayaa Buckingham Palace iyadoo boqorada ay ku fadhiso miis xafiiseedkeeda shaqada, waxaana ay leedahay  “Good evening, Mr Bond”.  Taasoo dadka ka daawanayay garoonka munaasabada hal mar wada kicisay.

About the Author

-







Sawiro: Ciyaaraha Olimbikada Adduunka Oo Lagu Furay London, Xilli Calankeena Uu Ka Dhex Muuqday.