Published On: Wed, Aug 1st, 2012

Sao Paulo Oo Dooneysa Inay Qandaraaska U Kordhiso Xiddiga Diirada U Saaran United Lucas Moura.

Share This
Tags

Kooxda Sao Paulo ayaa diyaar u ah inay heshiis cusub oo ka horumarsan kii hore u soo bandhigto xiddiga diirada u saran Manchester United Lucas Moura, si ay kooxda ugu sii hayaan.

United ayaa si aad ah loola xiriirinayay ciyaaryahankan khadka dhexe xagaagan, waxaana Sao Paulo ay ka soo diiday dalab ku aadan Moura.

Moura, oo haatan u ciyaaraya xulka Brazil ee ciyaaraha olimbikada ayaa sheegay inuu go’aan ka gaari doono mustaqbalkiisa marka uu soo dhamaado ciyaaraha ka socda London.

Agaasimaga kooxda Sao Paulo Adalberto Baptista, ayaa qirtay inay ka shaqeynayaan inay qandaraaska u kordhiyaan 19 jirkaan, iyagoo doonaya inay ka soo weeciyaan xiisaha United ay u heyso.

“Waa macquul inaan bedelno qandaraaskiisa” ayuu Baptista u sheegay� UOL. “Waxaa haatan qandaraaskiisa kooxda kaga harsan afar sanno. Waxaana laga yaabaa inaan u kordhino oo aan kala xaajoono qandaraaskiisa, malaha 18 bilood kale”.

Baptista ayaa sidoo kale biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in waalidiinta Moura inay u safreen England si ay wadahadalo u la galaan United, waxana uu sheegay inay kaliya England u aadeen si ay u daawadaan wiilkooda oo ka qeybgalaya ciyaaraha Olimbikada.

“Qoyskiisa waxa ay England u aadeen si ay u soo daawadaan ciyaaraha Olimbikada, hore ayayna taasi inoogu sheegeen” ayuu yiri Baptista.

“Waxa ay doonayeen inay wiilkooda raacaan, sida waalid kasta uu sameeyo marka tartan sidaan oo kale ah la qabanayo. Ma jiraan wax wadahadalo ah oo ay ka qeybgalayaan”.

About the Author

-







Sao Paulo Oo Dooneysa Inay Qandaraaska U Kordhiso Xiddiga Diirada U Saaran United Lucas Moura.