Santi Cazola oo Arsenal guul gaarsiiyey.
Naadiga Arsenal ayaa garoonkodaee Emirates ku marti galiyey Atson Villa wareega 27-aad ee Premier League-ga iyagoona kaga adkaday 2-1.
Wenger ayaa afar badal ku sameeyey kooxdii ka hortagtay Bayern Munich isago wareerka kuso bilaabay Giroud nasiyayna Podolski , Abu Diaby oo loo fadhisiyey Remsy , Monraal oo booskiisa difaac bidix kuso laabtay iyo Jenkinson oo badalay Sagna oo ku dhawacmay kulankii Champions League-ga.
Gunners-ka ayaa la wareegay hogaanka ciyaarta daqiiqadii (6′) kadib markuu Carzola isku daygii labaad ku dhalshay goolka hore ee Arsenal iyo ciyaarta , Gunners-ka ayaa inta badan maamulaysay ciyaarta gacantana ku haysay balse aan gool kale ku darin ciyaarta qeybti horena sida lagu kala maray .
Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa Atson Villa dadnimo iska raadisay goolka bareejadana keentay daqiiqadii (68′) ciyaariyahan Weimann ayaana magaciisa ku qoray goolka kana naxshay Wenger , iyadoo lamalaystay in Arseanal maanta badindoonin ayaa markale xidigana maanta ee reer Spain Cazola wada istajiyey taageerayaasha daqiiqadii (86′) sidasna kuso idlaatay kulankii.
Arsenal ayaa kaalinta 4-aad u jirsatay hal dhibic oo kaliyah lehna 47 dhibcood , Aston Villa ayaa sii dhexdamaashaadaysa marxaladoodii adkeyd iyagoo hal mar oo qura badiyey 10 kulan oo ay ciyaareen.
















