Published On: Wed, Aug 1st, 2012

Roberto Mancini Oo Sheegay In Kolo Toure Uu U Fasaxan Yahay Inuu Ku Biiro Bursaspor.

Share This
Tags

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa sheegtay in Kolo Toure uu u fasaxan yahay inuu u dhaqaaqo kooxda Bursapor hadii uu doonayo.

Toure ayaa ka dhacay doorashada daafaca ee tababare Mancini tan iyo markii lix bilood lagu ganaaxay inuu isticmaalay dawooyin mamnuuc ah, waxaana lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda heysata horyaalka Premier League.

Haatan, tababarihiisa ayaa sheegay in daafaca uu go’aansan doono mustaqbalkiisa, lakiin waxa uu shaki geliyay in kooxda Turkiga ay awoodi karto mushaharkiisa.

“Kolo ayay jirtaa inuu go’aansado hadii uu doonayo inuu aado Bursaspor ama hadii kale” ayuu Mancini u sheegay The Sun.

“Si kastaba, miyay bixin karaan lacagta uu doonayo?” ayuu su’aal ka keenay Mancini.

Daafacii hore ee Arsenal ayaa ku bilowday sideed kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore, waxaana ciyaaryahanka xiiseynaya kooxda Turkiga ee Bursaspor iyo kooxda Suadi Arabia ee Al Hilal.

About the Author

-







Roberto Mancini Oo Sheegay In Kolo Toure Uu U Fasaxan Yahay Inuu Ku Biiro Bursaspor.