Published On: Wed, Aug 1st, 2012

Neymar Oo Ku Hogaamiyay Brazil Wareega 8da Ee Ciyaaraha Olimbikada Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Belarus.

Share This
Tags

Brazil ayaa xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareega 8da ee ciyaaraha Olimbikada ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen xulka Belarus ciyaar ka dhacday Old Trafford.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dardar xooga, Belarus ayayna aheyd xulkii hogaanka qabtay markii uu madax kubad ugu dhaliyay Renan Bardini Bressan ciyaarta oo socota 7 daqiiqo.

Ciyaaryahanka AC Milan Alexandre Pato ayaa u barbareeyay Brazil daqiiqadii 15aad isagoo kubad madax ku dhaliyay, halkaas ayayna Brazil ka bilowday inay ciyaarta maamusho oo kubada inteeda badan ay heysato.

Qeybtii labaad Neymar oo ay dul wareegayaan warar ku saabsan mustaqbalkiisa ciyaareed ayaa laad xor ah u dhaliyay ka hor inta uusan cirib ugu dhigin kubad Oscar oo dhaliyay goolka seddexaad islamarkaana xaqiijiyay seddexda dhibcood.

Brazil oo ku jirta Group C waxa ay haatan joogtaa wareega 8a iyadoo leh 6 dhibcood, waxaa kaalinta labaad groupka kaga jirta Belarus oo hal guul hore u soo gaartay.

Masar iyo Newzealand oo iyagana maanta ciyaaray ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah, waxaana ay leeyihiin min hal dhibcood.

Kulanka ugu danbeeya ee group-kaan waxaa isarki doona Brazil iyo Newzealand, halka Masar iyo Belarus ay qoorta isku geli doonaan, waxaana halkaas ka soo bixi doonta xulka labaad ee Brazil kula wehlin doona wareega 8da.

About the Author

-







Neymar Oo Ku Hogaamiyay Brazil Wareega 8da Ee Ciyaaraha Olimbikada Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Belarus.