Published On: Sat, Aug 11th, 2012

Mohamed Farah ayaa ku guuleystey billadii labaad ee dahab ah.

Share This
Tags

Mohamed Farah ayaa ku guuleystey billadii labaad ee dahab ah kadib markii uu kaalinta koowaad ka galay orodka 5,000 mitir.

Toddobo maalmood kadib markii uu Mo Farah ku guuleystey orodka 10,000 ayuu hadana ku darsaday orodka uu hore u haystay horyaalka Europe ee 5,000m, markii uu hubsaday inuu ku guuleystey ayuu Maxamed Farah oo asalkiisu yahay nin Soomaali ah balse u orda wadanka Britain waxa uu u mahad noqay Alle isagoo labo jeer u sujuuday.

Iyadoo ay u sacaba tumayeen illaa iyo siddeetan kun oo taageerayaal ah ayuu Farah waxa uu u soo hormaray 700m ee ugu dambaysay iyadoo ay ku qaadatay 53second inuu ugaga hormaro orodyahanka reer Ethiopia Dejen Gebremeskel waxana uu MO Farah ku sameeyey orodkan 13 minutes iyo 41.66 seconds. Thomas Longosiwa oo dalka Kenya u ordayay ayaa qaatay billada Maarta.

Taariiqda Olombikada caalamka ayaa shan nin oo kaliya ay ku guuleysteen hal tartan labadan orod ee 5,000m iyo10,000m – Emil Zatopek oo Czechoslovakia dii hore u ordayay 1952, Vladimir Kuts ee USSR 1956, Orodyahankii Finland Lasse Viren 1972 iyo 1976, Miruts Yifter ee dalka Ethiopia 1980 iyo Kenenisa Bekele, oo isagana Ethiopian ahaa Beijing 2008.

Guushan uu Farah u soo hooyay Britain ayaa waxaa ay noqonaysaa markii ugu horeysey oo afar biladood oo dahab ah ku guuleystaan tartanka orodada laga soo bilaabo dagaalkii labaad ee adduunka.

 

About the Author

-







Mohamed Farah ayaa ku guuleystey billadii labaad ee dahab ah.