Published On: Wed, Aug 1st, 2012

Maradona Oo Wadahadalo Kula Jira Koox Ka Dhisan Dalka Shiinaha.

Share This
Tags

Tababarihii hore ee kooxda Al Wasl iyo xulka qaranka Argentina Diego Maradona ayaa laga yaabaa in uu u wareego dalka Shiinaha kadib markii la arkay isagoo wadahadalo kula jira wakiilo ka socda dalka Shiinaha.

Marodona ayaa la shaaciyey in uu kula kulmay wakiilada Daniel Dos Reis iyo Diego Cativa Imaaraadka carabta si ay uga hadleen meesha kale ee uu ka howlgali doono kadib markii ay ka soo dhamaatay howshii uu u hayay Al Wasl.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa la sheegay in uu goobjoog ka ahaa wakiil ka socday hay’ad aan la magacaabin oo ka dhisan dalka Shiinaha, kuwaasoo doonaya in Diego ka dhigaan tababarihii labaad oo reer Argentina ah oo ka howlgala dalka Shiinaha iyadoo Sergio Batista uu ku sugan yahay dalka Shiinaha tababarana kooxda Shanghai Shenhua.

Sida laga soo xigtey Dos Reis wadahadalo ayaa socda Maradonana waxaa laga yaabaa in uu bariga fog uu ka xamaasho. Waxana uu wakiilka Maradona intaa ku daray in arrimaha dhaqaalaha laga wadahadlay.

Horyaalka Super League ee dalka Shiinaha laga ciyaaro ayaa waxaa uu soo jiitey indhaha caalamka kadib markii maalgelin badan lagu sameeyey waxaana dhowaan halkaas gaaray dalka Shiinaha labo laacib oo hore ugu ciyaari jirtey kooxda Chelsea  Nicolas Anelka and Didier Drogba.

About the Author

-







Maradona Oo Wadahadalo Kula Jira Koox Ka Dhisan Dalka Shiinaha.