Published On: Wed, Oct 24th, 2012

Koobka qaramada africa 2013,ka oo isku-aadkiisa la sameeyey( Xulalkee isku dhacay)

Share This
Tags

Xaflad balaaran oo lagu sameynayey Isku-aadka koobka qaramada qaaradda africa ee 2013, ayaa caawa lagu qabtey Durban International Convention ee gudaha dalka South Africa,waxaana goob joog ahaa madaxda CAF iyo wakiilo ilaa 16-ka dal ee ka qeybgalaya koobkaasi oo bilowga sanadka soo socda furmaya.

16-ka xul ee tartamaya ayaa loo qeybiyey 4 qeybood iyadoo Pot A) ku jireen marti geliyaasha South Africa,xulka difacanaya koobka ee Zambia, Cote d’Ivoire iyo Ghana. Qeybta Pot B)waxaa ku jirey Tunisia, Nigeria, Mali iyo Angola.

Xulalka ka socda Waqooyiga Africa ee Morocco iyo Algeria ayaa qeybta Pot C) waxaa ku wehliyey Niger iyo Burkina Faso ,laakiin qeybta ugu danbeysey ee Pot D) waxaa ku kulansanaa Togo, Cape Verde, DR Congo iyo East Africa xulka ka socda ee Ethiopia.

si kastaba iyadoo xul weliba lagu aadinayey xulalka qeybta koobaad hogaaminayey sida ay u kala horeeyaaan ayaa waxaa Dalka marti gelinaya koobka ee South Africa Group A,kula biirey Cape Verde,Morocco and Angola.

Tartanka oo garoomada dalka South africa ka furmi doona ayaaa bilaaabanaya January 19 ilaa February 10, 2013, xulkii ku guuleystana wuxuu iska xaadirin doonaa 2013 Fifa Confederations Cup.

GA-South Africa, Angola, Morocco iyo Cape Verde

GB-Ghana,Mali,Niger iyo DR Congo.

GC-Zambia,Nigeria,Burkina Faso iyo Ethiopia.

GD-Cote d’Ivoire,Tunisia,Algeria iyo Togo.

  By.C/xafiid zaciimka

zaciimka02@hotmail.com

About the Author







Koobka qaramada africa 2013,ka oo isku-aadkiisa la sameeyey( Xulalkee isku dhacay)