Published On: Mon, Jul 30th, 2012

Inta Badan Waxyaabaha Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Soomaaliya Iyo Ciyaaraha Olimbikada.

Share This
Tags

Somalia waxaa markii ugu horeysay ay ka qeyb gashay ciyaaraha Olimbikada adduunka 1972dii markaasoo lagu qabtay Munich, waxaana inoo matalayay seddex nin.

Ilaa iyo haatan tartanka ciyaaraha Olimbikada adduunka Soomaaliya waxa ay kaga qeyb qaadatay kaliya oradyahano. Abdi Bile ayaa kaalinta 6aad ka soo galay tartankii orodka raga ee 1500 mitir ee ciyaarihii Olimbikada ee 1996dii lagu qabtay Atlanta.

Abdi Bile ayaa sidoo kale ku guuleystay tartankii orodka 1500 mitir ee World Champions ee ka dhacay Rome 1987dii, iyo sidoo kale tartankii IAAF World Cup ee 1500 mitir oo 1989kii lagu qabtay Barcelona Spain. Lakiin labadaas tartanba ma aysan aheyn ciyaaraha Olimbikada adduunka.

Sannadii 2000, Safia Abukar Hussain ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay abid ee Soomaaliya u matasha ciyaaraha Olimbikada, waxaana ay u tartantay orodka 400 mitir.

Soomaaliya waxa ciyaarihii Olimbikada adduunka ee Beijing ee 2008dii uga qeyb gashay labo qof. Ilaa iyo haatan wax bilad ah Soomaaliya kama aysan soo hooyin ciyaaraha olimbikada adduunka.

Sannadkaan oo ciyaaraha Olimbikada adduunka lagu qabanayo London waxaa Soomaaliya uga qeybgalaya wiil iyo gabar oo ka qeybgalaya tartanka orodka.

Zamzam Ahmed waxa ay ka qeybgaleysaa tartanka orodka hablaha ee 400 mitir, iyadoo wareega koowaad uu dhici doono 3da bisha August 12ka duhurnimo saacada London. 3da galabnimo xilliga Soomaaliya.

Mohamed waxa uu ka qeybgalayaa tartanka orodka raga ee 1500 mitir, iyadoo wareega koowaad uu dhici doono 3da bisha August 8da fiidnimo saacada London, 11ka habeenimo xilliga Soomaaliya.

Zamzam waxa ay u tartami doontaa inay u soo baxdo semi-finalka tartanka 400 mitir oo la qaban doono 4ta August, halka finalka la qaban doono 5ta August.

Mohamed waxa uu u tartamayaa inuu u soo baxo semi-finalka tartanka 1500 mitir oo la qaban doono 5ta August, halka finalka la qaban doono 7da August.

Xilliga ay dhacayaan ciyaarahan waxaan ka soo xiganay website-ka ciyaaraha olimbikada ee London 2012.

About the Author

-







Inta Badan Waxyaabaha Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Soomaaliya Iyo Ciyaaraha Olimbikada.