Galatasaray ayaa barbardhac gurigeeda ku gashay kulankii ay hortageen Schalke 04
Kulankii ka dhacay Istanbul ee guriga Galatasaray ay ku qaabishay naadiga reer Germany ee Schalke 04 ayaa kuso gabagaboway 1-1.
Galatasaray ayaa si wanagsan u ciyaartay kulankan qasatay qeybtii hore ee ciyaarta iyado uu macalinka kusoo bilaabay Drogba, dadaalo oo ay naadiga Galatasaray wada qaaden ayaa usuura galisay inay ku hormaraan goolka kowaad ee ciyaarta daqiiqadii (12′) iyadoo Burak uu gool aad u qurux badan ka dhalshay Schalke 04 isagoo goolkan u eg gool uu ka dhalshey Ronalka naadiga Barcelona koobkii super Cup-ha Spain, ciyaarta ayaa Galatasaray ciyaarwaneegeeda sii wadatay , balse Schalke ayaa iyadana isudayo badan sameysay , balse sidas ku soo afjarmay qeybtii hore.
Qeybtii dambe ayey ciyaarta waji cusub yeelatay kadib markii Schalke isbadal sameesay iyadoo weraro culus kuqaaday Galatasaray kana miradhaliyeen dadaalkooda daqiiqadii (45′) bilowgii qebytii labaad kadib markii uu Deny kubad dhexda ka qalday kadib Farfan la cararay kubada kadibna udhiibay Jones isna dhexdhigay shabaqa Muslera kana dhigay ciyaarta 1-1.
Galatasaray ayaa dib usoo ceshatay weeraradeeda iyado Burak Yilmaz kubado badan qasaarshay ,sidoo kale Drogba ayaa isna si wanagsan uga muuqday kulanka isagoo fursado badan abuuray,sidasna kusoo gabagabooway kulanki lugta hore ee Champions League-ga.
Lugta dambe ayaa ka dhicidoonto Germany 12-3-2013 bisha soo socoto.




















