Published On: Wed, Feb 27th, 2013

Falaqeynta kulanka xiisaha leh ee Bayern Munich VS Borussia Dortmund

Share This
Tags

Bayern-Munich-vs-Borussia-Dortmund

Bayern Munich ayaa cawa garoonkooda Allianz Arena ku marti galindonto Borussia Dortmund quater final-ka Pokal ama koobka horyaalka Germany.

Kulanka ugu xiisaha badan dalka Germany ayaa cawa waxa uu dhexmari doona labada naadi ee ugu weyn oo loolanka adag u dhaxeeyo iyado cawa kii laga adkaada ka haridoono koobankan.

Munich ayaa waxaa cawa ka maqnaan doono Ribery  kaso kulankii wareegii hore kaarka casaanka ah qaatay, macalinka ayaa booskiisa ka ciyaarsiindoono Robben , sido kale waxa cawa laga yaaba inuu lagu soo bilaabo Martinez oo kulanki sabtida ay 6-1 kaga adkaaden Werder Bremen ciyaarta bilowgeedi dhawac uga baxay.

Dortmund ayaa Robert Lewandowski soo ceshandoonto kadib markuu kulamadii horyaalka uu ka ganaaxna , sidoo kale Mats Hummels iyo Jakub Blaszczykowski ayaa dhawacyo kaso wada laabanaayo kulanka caawa.

  • Bayern Munich ayaa ah naadiga ugu goolaysiga badan koobkan oo loo yaqan Pokal iyadoo 15-jeer ku guulaysatay markii ugu dambaysay ayey aheyd 2010 iyado kulankii kama dambaysta la ciyaareen Schalke 04.
  • Bayern Munich ayaa laga dhaliyey 2 gool oo kaliyah sanadkan 2013 , wana labadii kulan ee ugu  dambaysay ee ay laciyaaren Arsenal iyo Weder  Bremen.
  • labadan naadi ayaa kulankii kama dambaysta ee koobkan sanadii hore ku kulmeen iyadoo Dortmund ku badisay 5-2.

Dortmund ayaa doonaysa inay laba jiir oo isku xigto koobkan qaadato oo keedi 4-aad ka dhigto.

Shaxda suura galka ah inay labada naadi ciyaaran ayaa sidatan ah:


Neuer
Lahm, Van Buyten, Dante, Alaba
Martinez, Schweinsteiger
Muller, Kroos, Robben
Mandzukic

 


Weidenfeller
Piszczek, Subotic, Hummels, Schmelzer
Gundogan, Bender
Blaszczykowski, Gotze, Reus
Lewandowski

Kulankani ayaa cawa soo galidoono xilla Muqdisho markay tahay 10:30 pm.

About the Author







Falaqeynta kulanka xiisaha leh ee Bayern Munich VS Borussia Dortmund