Published On: Wed, Feb 20th, 2013

Falaqeynta kulanka adag ee Ac Milan VS Barcelona

Share This
Tags

UEFA.CL.QF.AC.Milan.v.Barca.Highlights&Analysis.HDTV.720p.x264-RiDER.mkv_snapshot_00.19_[2012.03.29_02.18.34]

Cawa ayaa waxa kulan adag uu dhexmari dona  Ac Milan VS Barcelona kulanka ka tirsan Champions League-ga lugtiisa hore ee wareega 16-ka.

Ac Milan ayaa Barcelona ku marti galindoonto garoonkoda San Siro,Ac Milan ayaa koobkan ku guulaysatay 7-jeer halka Barcelona ay 4-jeer kaga guulasatay.

Ac Milan iyo Barcelona ayaa horey ugu wada kulmay Champions League-ga sanadkii hore ee 2012 ayaa ugu dambeysay markii ay quater final-ka wada ciyaaren iyagoo San Siro 0-0 isku dhaafi wayey ,balse Camp Nou ayey guushu Barcelona ku raacday 3-1.

Markan taariiqda dib u eegno Milan aya garoonkeeda waji gabax kala kulantay Barca sanadii 2011 oona logu awood sheegtay 2-3 ,sido waxay kulmeen 2006 lugtii hore ee wareegii semi final-ka sido kale guuldaro dusha loo saarshay 0-1.

Milan ayaa markay cawa ka hortagto Barca rajeenaysa inay taariiq xumada sanadahan ugu dambyey haysata ay dhinac iska dhigto guulna ka gaarto kulankan iyadoo aysan joogin xidigihii loogu bartay inay Champions League-ga wacdaro ka dhigan sida Inzaghi, Seedorf, Nesta iyo Gattuso kadib markii ay sanadki hore wada tagee.

Barca ayaa si weyn u rajenaysa inay Milan wareegan ku dardaraan iskana xadiriyaan wareega xiga ,iyadoo haysta ciyaariyahanada ugu wanagsan caalamka qaasatan Messi oo rekord weyn dunida ka dhigay marku 4-jeer oo isku xigto qaaday Laacibka Dunida Ugu Wanagsan.

Ma ogtahay?

  • Ac Milan ayaan wax guuldaro ah dhadhaminin  7  kulan  Serie A-da ah , sido kale Milan ayaa 6-jeer oo isku xigta ku guulaysatay San Siro dhamaan koobabka kala duwan.
  • Rossoneri 4 -jiir ayey Barca kaga hore imaatay Champions League-ga xilli ciyaareedkii hore iyadoo 2-jeer barbardhac la gashay , 2-jeerna guuldaraysatay, guud ahaan rekorka Milan ee naadiyaasha Spain ee gurigeeda ku qaabishay ayaa ah 11 -guul , 6 – barbardhac iyo 6-guuldaro.
  • Bojan Krkic ayaa usafatay Barcelona 163 kulan dhaliyeyna 41 -gool sandihii u dhaxeeyey 2007-2011.
  • Blaugrana ayaa 11 kulan ee ugu dambeeyey oo ay kudheesho  meel ka baxsan gurigeeda  ayaa u suura gashay inay badiyaan 8-kulan.
  • Catalatan-ka ayaan wax guuldaro ah kala kulmin 7-kulan ee ugu dambaysay ay la ciyaaran Ac Milan, rekodka uyaal oo ay ku dheesho ciida Italy aya ah 6-guul ,  7- barbardhac iyo 5-guuldaro.

 

Rossoneri ayaa weyn doonto ciyaarahanada kala ah Bonera, Flamini ,Nocerino iyo Robinho iyagoo dhawac kala duwan uga maqan garoomada, sidoo kale Milan taageerayaashoda ayaa u xiisi dono weeraryahankoda cusub ee Balotelli isga oon suura gal aheyn inuu ka qeyb galo Champions League-ga kadib marki Man City u ciyaaray qeybtii hore ee koobkan.

Blaugrana ayaa iyadana weyn doonta ciyaarihanada kala ah Adriano iyo David Villa cawa iyago dhawac uwada maqan.

Hadana aan eegno shaxda macquulka ah inay garoonka lasoo galaan  labada naadi:

Ac Milan:4-3-3

Abbiati-Abate-Zapata-Mexes-Constant-Montolivo-Ambrosini-Montari-Boateng-Pazzini- El Shaarawy

Barcelona 4-3-3

Valdes-Alves- Pique- Puyol-Alba-Xavi- Busquets-Fabregas-Pedro- Messi- Iniesta

Kulankan ayaa cawa soo dhicidoono markay saacadu istagto (10:45 pm) xiliga Moqdisho.

BDioe77CcAAUIgE

BDiiikJCYAAHTiu

 

About the Author







Falaqeynta kulanka adag ee Ac Milan VS Barcelona