Falaqeyn Galasaray VS Schalke 04 Champions League
Naadiga reer Turkey ee Galatasaray ayaa marti galindonto naadiga reer Germany ee Schalke 04 ee wareerga is reebreebka 16-ka naadi ee usoo gudubtay Champions League-ga.
Towbarre Fatih Trim ayaa markii ugu horeysay laga yaaba inuu kusoo bilaabo Drogba kadib markuu kulankiisi ugu horeeyey gool udhalshay 5 daqiiqo kadib markii badal lagu soo galiyey kulanka naadiga uu ka hortahay Akhisar ee habeenkii sabtida aan so dhaafnay,sido kale Eboue ayaa laga yaabaa in lagu soo bilaabo isna iyado Sabri la sheegayo inu kusriga keeda fadhisandono,mida kale labada ciyaariyahan ee Tomas Ujfalusi iyo Johan Elmander ayaa dhawac uga maqanandono kulankan.
Schalke 04 ayaa dib usoo ceshatay weeraryahankeeda Huntelaar kaso dhawac xaga indha kaga maqna kulamadii ugu dambeeyey naadigiisa, waxana kulankani dhawac owgiis uga maqnaandoono Schalke ciyaariyahanada kala ah Kyriakos Papadopoulos, Atsuto Uchida, Ibrahim Afellay iyo Ciprian Marica.
Schalke 04 ayaa wax guuldaro aan la kulmin kadib markii laga soo reebay quater final-kii ay ka hortageen Man United Old Trafford sanadii 2010-11, balse sanadka cusub ayey hal mar oo qura ku badiyeen 5-4 gurigooda bishii January 18.
Waana tanaa shaxda macquulka ah inay laba kooxood garoonka lasoo galaan :
Galatasaray 4-3-1-2
Muslera
Eboue-Nounkeu dany-Semih- Riera
Hamit- Felipe Melo- Selcuk
Sneijder
Drogba- Burak
Schalke 04 :4-2-3-1
Unnerstall
Hoger- Howedes-Matip- Fuchs
Jones- Neustadter
Farfan- Draxler-Bastos
Huntelaar
Kulankani ayaa cawa soo galidoono saacada markay tahay 10:45 pm xiliga Moqdisho.

















