Published On: Wed, Aug 1st, 2012

Dynamo Kiev Oo Si Rasmi Ah Amaah Ugala Wareegtay Daafaca Kooxda AC Milan Taye Taiwo.

Share This
Tags

Dynamo Kiev ayaa dhameystirtay saxiixa amaahda ah ee ay kula soo wareegeysay daafaca kooxda AC Milan Taye Taiwo, iyadoo fursad u heysata inay si joogta ah u la wareegto, sida ay xaqiijisay kooxda reer Ukraine.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa Rossoneri kaga soo biiray si xor ah xagaagii hore, lakiin waxa uu ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho San Siro, isagoo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ugu ciyaarayay QPR.

Isagoo ka warqaba in xaaladiisa Milan aysan ka reyn doonin, Taiwo ayaa ayaa go’aansaday inuu mar kale dhaqaaqo, isagoo ku faraxsan go’aankiisa, waxaana uu u sheegay BBC:

 

“Inaan imaado Ukraine waa fursad weyn oo aan ku helaayo boos joogta ah”

“Waan ka warqabaa in Milan ay tahay koox weyn lakiin ma ahi ciyaaryahan ku faraxsan inuu kursiga keydka iska fariisto oo uu mushahar iska qaato isagoo aan ciyaareynin”.

“Riyo ayay ii aheyd inaan u dhaqaaqo AC Milan, laakiin daacadii fursad uma aanan helin inaan soo bandhigo waxa aan qaban karo, taasina waa nolosha”.

About the Author

-







Dynamo Kiev Oo Si Rasmi Ah Amaah Ugala Wareegtay Daafaca Kooxda AC Milan Taye Taiwo.