Chelsea, Inter, Tottenham,oo soo baxay iyo Liverpool,Napoli iyo AJax oo ka hareen Europe League-ga 2012-13
Waxa soo gabagabow wareegii 32-da kooxood ee Europe League-ga iyadoo natiijoyinka waa weyn ayaa kaso baxay , naadiyaa waa weyn oo lafilayey inay soo gudbaan oo lagu reebay wareegan ,kooxaha laga naxshay ayaa waxa ka mid ah naadiga haystay Atletico Madrid, Napoli iyo Liverpool.
kulanka ugu horeeyo oo aan ka hadli doono ayaa waxa uu yahay Chelsea VS Sparta Prague , kulankii ka dhacay garoonka Stamford Bridge ayaa cawa Chelsea qeybtii hore ee ciyaarta gool looga naxshay daqiiqadii (17′) kana dhalshay ciyaariyahanka Lafata , kadib markii ay ka faa’idaysteen difaac xumada ciyaariyahanada Chelsea , Torres ayaa isku dayo badan sameeyey , balse dadaalkisa ka miradhalin sidasna kuso idlaatay qebytii hore.
Qeybtii dambe ayaa Chelsea ayaa weeraradeeda sii wadatay fursadihi ugu muhimsana waxa ka mid ah shuud Ramirez birta uga dhacay , sido kale Sparta aya iyadana jaanisyo oo ay gool ku dhalinkartay qasaarisay , balse Eden Hazard ayaa ka fujiyey naadigiisa 20-ki ilbiriqsi ugu dambeeyey ee ciyaarta kadib markii waqtiga rasmiga ahaa dhamaday kadib 2 daqiiqo ee lagu daray ku dhashay goolka bareejada oo ay kusoo bexeen Chelsea isago gool aad u qurux badan ka dhalshay goolhayihii kubado badan ka difaacay kooxda Chelsea , halkaasna kuso dhamatay ciyaarta celcilis dhan 2-1.
Kulanka xigo waa Liverpool VS Zenit kulankaso ka dhacay garoonka Anfield ayey Liverpool garonka laso gashay caqliyad guul ah , halka Zenit ay la soo gashay inay soo gudubto wareegan.
Qeybtii hore ee ciyaarta aya waxay ku bilaabatay is kulul iyadoo labada naadi ay gool wada raadinaayeen , balse Liverpool ayaa looga hormaray gool daqiiqadii (19′) ciyaariyahanka Hulk ka saxiisay Liverpool kadib markuu difaaca weyn ee reer England Carragher uu kubada farta ka saaray Hulka isna uusan u nixin goolhaye Reina, Suarez ayaan ka yeelin Zenit oo 9 daqiiqo kadib laad xor ah ka dhalshay Zenit ,daqiiqadii (43′)ayey Liverpool soo labatay lakin markan waa Allan oo ciyaarta ka dhigay 2-1, sidasna ku dhamaatay qeybtii hore ee ciyaarta.
Qeybtii dambe ayey Liverpool lasoo gashay isbiirid cusub iyo dadaal ka badan kii hore ayna u suura gashay daqiqadii (59′)Suarez inuu markale laad xor ah ka xiro meel fog kana wada farxiyey taageerayaasha soo xaadiray Anfield , balse Zenit ayaa ciyaarta wax ka fahantay oo difaac buuxdo ka xiratay Liver ilaa intii uu ka yeeriyey garsooraha firinbiga kuna iclaamiyey harida Liverpool.
Kulamada kale oo ugu muhimsana waa Inter Milan oo naadiga Cluj ku tumtay 3-0, Lazio oo gurigooda 2-0 Borussia , Lyon oo daqiiqadii ugu dambeyey goolka bareejo ah la dhalshay oo lagu reebay gurigooda markuu Dembele ka dhigay ciyaata 2-3,Napoli oo isku celcelis 5-0 lagu reebay wareegan , Newcastle oo hal gool kuso baxday markay ku badisay 0-1 iyo Ajax oo ah naadiga gurigooda lagu dhigidoono kulanka Final-ka oo rigoonooyin
4-2 lagu reebay.


























