Chelsea ayaa waajihi doonto Man United quater final-ka FA Cup-ka
Chelsea ayaa usoo gudubtay quater final-ka FA Cup-ka iyadoo balansatay Man United , kadib markii ay Middlesbrough ku garaaceen 0-2.
Kulankii ka dhacay garoonka Riverside Stadium ayaa Benitez 8 ciyaariyahan fadhiisiyey kooxdii ka hortagtay Man City iyadoo kabtan Terry lagu soo bilaabay , Benayoun ayaa markiisi ugu horaysay lagu soo bilaabay , iyo Ake oo kulakiisi ugu horeeyey u saftay Chelsea.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaan wax gool ah la iska dhalinin iyadoo Chelsea fursado abuurtay si wanagsanna u ciyaartay halka Middlesbrough ay hal shuud oo halis ah ku rideen Cech, qeybtii dambe bilowgeedi ayaa Ramirez ku xaday goolkii ugu horeeyey ee kulanka daqiiqadii (51′) kadib markuu gool aad u quruxbadan ka dhaliyey meel fog , Moses ayaa goolka labaad u xaqiijiyey Chelsea daqiiqadii (73′) kadib marku Hazard kubad wanagsan soo dhisay kadibna farta ka saaray uu dhali ku yiri .
Kulanka ayaa intaas ku dhamaaday Chelsea ayaa ka hortagi doonto Man United quater final-ka FA Cup-ka.

















