Bayern Munich oo Dortmund ka raacadaysay koobka Pokal semi final-kana u gudubtay.
Bayern Munich ayaa Dortmund ka ciribtirtay koobka Pokal cawa iyadoo 1-0 ku garaacday garoonkeda ee Allianz Arena.
Kulanki ka dhacay Allianz Arena ayaa labadan naadi ku xagxagteen iyadoo ay cadowtinimo weyn ka dhaxayso , qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxa aheyd mid aad u kulul Bayern ay na ciyaar ficnayd oo inta badan maamulaysay kubada , Dortmund ayaa iyadana si wanagsan u ciyaartay , balse aysan ahayn sidi sanadii hore oo Munich way adkaatay daqiiqadii (43′)ayaa Robben uu dhalshay halka gool ee kaliya ee ciyaarta.
Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa si xiiso leh ku bilaabatay iyadoo labada naadi weerar iyo weerar celis isku haayeen wax cusubna soo ma kordhin natiijadana sidaas ayeey kuso idlaatay 1-0, Munich ayaa ka reebtay Dortmund koobka Pokal.


















