Published On: Fri, Feb 15th, 2013

Bayern Munich oo digniin u dirtay Arsenal

Share This
Tags

Bayern Munich ayaa guul  2-0 kasoo hayisay garoonka Volkswagen ee ku ciyaarto naadiga Wolfsburg, kadib markii ay kulan katirsan Bundesliga 1 wareega 22-aad.

Bayern ayaa kulankaani ciyaareysay iyadoo niyada ku haysa kulanka Champions League-ga ay la ciyaari doonan naadiga Arsenal ee reer England.

Towbarre Heynckes ayaa kursiga keeda fariisiyey Roben, Boateng iyo  Martines iyago badal kooda ay ciyaareen Muller , Van Buyten iyo Gustavo.

Kulanka ayey dardar ku bilowday Wolfsburg iyadoo Munich ay u muuqatay inaysan juhdi badan ku bixineynin ,daqiiqadii (36′)ayaa laad xor ah uu soo qaaday Kroos kadibna Schweinsteiger baax ugu salaxay weeraryahanka reer Croatia ee Mario Mandzukic kubad maqas ah ka dhalshey kooxdiisii hore Wolfsburg isagoo hatan horkacaya gool dhalinta Bundesliga 1 isagoo 15 gool usaxiixay Munich.

Wolfsburg ayaa qeybtii dambe ee ciyaarta xamaasad galiyeen iyagoo isku dayayna inay ku soo laabtan kulan oo goolka ay barbardhaca layimaadan,balse Arjen Roben oo badal kusoo galey aya quusiyey daqiiqadii (90+2) kadib markii baas aad u wangsan ka helay Thomas Muller oona dhexdhigay goolka Wolfsburg markii labaad.

Natiijada cawa ee kulankani ayaa usii dhawaynaya Bavarians-ka inay ku guulaystan horiyaalka si wanagsanna isugu sii diyaarin doonto kulanka habeen arbacada ah ee Champions League-ga,Wolfsburg ayaa noqonaysa naadiga ugu rekoodka xun horiyaalka sanadkan iyagoo kalinta 12-aad iska kaga jiro hatan ayado aan wali wareega aan la wada ciyaarin.

 

About the Author







Bayern Munich oo digniin u dirtay Arsenal