Atlantico Madrid oo bananka looga saaray koobka Europe League-ga.
Naadiga haysta koobka Europe League-ga ee reer Spain Atletico Madrid aya laga reebay kadib markii ay cawa ka hortagen naadiga reer Russia ee Rubin Kazan iyado ciyaarta kuso dhamaatay 0-1 Atletico Madrid-na guulaysatay ,balse ay wax u tari wayday guusheeda markii ay gurigooda lugtii hore 0-2 lagu soo garaacay iyadoo isku celcelis ciyaarta ku idlaatay 2-1 halkaasna lagu soo af jaray hamigii ahaa inay Atletico Madrid sii haysato koobkan.
Kulankii ka dhacay Russia ayaa Falcao iyo asxaabtiisa aya ku galay garoonka caqliyad guul , iyado Kazan ay garoonka kuso galeen inay laba gool difaacdan,qebytii horena aysan Atletico waxba dhalin, difaaca Kazan dafkooda qeybti hore gaareen.
Marki la isku soo laabtay ayey Atletico dadaalo samaysay daqiiqadii (84′)u suura gashay goolkii kowad ee ciyaata kana dhigen 0-1 kuna so dhamaatey ciyaarta iyado Atletico Madrid ayan ka badbaadin inay macsalaameeyaan Europe League-ga sanakan.
















