Ac Milan oo dunida ka yaabisay markii ay 2-0 ku garaacen Barcelona

Ac Milan oo aduunka ka yaabisay kadib markii ay guuldaro weyn dul dhigtay naadiga dunida ugu wanagsan ee Barcelona natiijo 2-0 ah.
Kulankii ka dhacay garoonka weyn ee San Siro ayey ciyaartu ku bilaabatay sidii la filaayey iyado Barca kubada gacanta ku dhigtay , halka Milan ay dadaal ugu jirtay inay ciyaarta la qeybsato Barca.
Qeybtii hore ee kulanka ayaa Barcelona ku gacansareesay inta badana kubada haysatay , balse barca ayaa ku fashilmatay inay xitaa hal kubad abuuran, halka Milan ay so bandhigtay difaac wanagsan iyo weeraro ay isku dayday inay goolal u badalaan, balse qeybtii hore ayaa sidas lagu kala maray.
Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa meeshi ka siibilaabatay , balse daqiiqadii (57′) isbadalka ciyaarta imaday iyadoo Milan gool ku hormartay Baoteng iyana u dhalshay kadib markii uu Montelivo shuud riday , balse Costant gacanta kaga dhacday Baoteng-na sii raacshay kana dhawaajiyey taageerayaasha Milan ee caburnaa.
Kulanka ayaa xiiso sii yeeshay iyado Barca daadaal ugashay inu goolka barbardhaca helaan , balse Milan ayaa ka diiday ciyaar lala yaabana kuso bandhigtay San Siro oo ka yaabishay aduunka oo dhan, markii daqiiqadu ahayd (81′) ayaa hadana Barca gool labaad looga naxshay markii weerar habaysan lagu qaaday shabaqa uu waardiyeesanaayey Valdes kadib marku El Shaarawy baas habeysan u dhigay Montari isna gool u badalay.
Taniijadan ayaa dunida ka yabisay iyado Milan sanadkan eedaymo farabadan dusha loogu tuuray ciyaariyahano farabadan lumisay , balse ciyaaryahanada ugu wanagsan ee Barca ayaan waxba soo bandhigin caawa iyadoo Messi , Iniesta , cesca iyo xavi wax utari waayeen naadigooda.
Lugta labaad ee kulanka ayaa dhacaayo 12-3-2013 iyado lagu ciyaaridono garoonka Camp Nou.



















